Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Xildhibaan Ka Tirsanaa Koofur Galbeed Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Xildhibaan Ka Tirsanaa Koofur Galbeed Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan hore uga tirsanaa maamul goboleedka Koofur Galbeed.

Xilshibaabka oo lagu magacaabi jiray Cali Cumar Gaab waxaa lagu dilay degmada Shibis, iyadoo dilkiisa ay geysteen kooxo bistoolado ku hubeysan.

Ciidamadda amaanka ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgal aan wax natiija ah ka dhalan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay iney ka danbeysay mas’uuliyaddda dilka loo gaystay mas’uulkan, sida ay ku baahisay baraheeda bulshada.

Previous articleMuxuu yahay muuqaalka ay sii daysay Xamaas ee xaaladda ku sii xumayn kara Israa’iil
Next articleMuuse Biixi Cabdi oo maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan maayarka magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here