Home Wararka Maanta Xildhibaano ka tirsan Beesha Habar-gidir oo Raali galin siiyay kuwa Koonfur Galbeed

Xildhibaano ka tirsan Beesha Habar-gidir oo Raali galin siiyay kuwa Koonfur Galbeed

0

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xaliyey kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasoo kasoo kala jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Adan Madoobe oo Xildhibaanadan kulankii ugu dambeeyay maanta la qaatay ayaa marka kulanka uu soo gaba gabeeyay waxa ay si wadajir ah ula hadleen warbaahinta.

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Senator Siciid Siyaad Shirwac ayaa Xildhibaanadda kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka uga garaabay falcelintii ay la kulmeen iyo sida loo fasiray hadal ay horey uga sheegeen warbaahinta.

“Waxaan raali gelin buuxda siineynaa walaalaheen reer Koonfur Galbeed, waxaanna qirsannahay in ay yihiin dadka hormuudka u ah difaaca Qaranka iyo dowladnimadda Umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri xildhibaan Saciid Siyaad

Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur Jilley oo ku hadlayay magaca Xildhibaanadda kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dhankooda ay raali gelinta ay ka aqbaleen dhigooda ay kala aragti duwanaantu ka dhaxeysay islamarkaana laga wada shaqeeyo dowladnimada Soomaaliyeed iyo in meel looga soo wada jeesto cadowga umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta K/Galbeed ayaa ka carooday hadal ka soo yeeray Gudoomiyaha odayaasha beelaha Hawiye oo ku goodiyey iney xildhibaanada K/Galbeed guryaha ku weerari doonaan hadii aysan ka laaban hadal ay ku taageereen ciidamada Itoobiya ee dalka jooga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here