Dhammaan xisbiyada ku jira Baarlamaanka Iswiidhan ayaa isku raacay inay taageeraan sharci ku-meel-gaar ah oo lagu joojinayo masaafurinta dhalinyarada lumisay xuquuqdii ay ku lahaayeen deggenaanshaha dalka kaddib markii ay gaareen da’da 18 sano.
Ansixinta sharcigan ayaa qaadan karta dhowr bilood, halka xisbiyada mucaaradku ay Hay’adda Socdaalka Iswiidhan (Migrationsverket) ka dalbanayaan inay hakiso masaafurinta dhalinyaradaas inta laga gaarayo go’aanka kama dambaysta ah.
Hindisahan ayaa taageero ka helay dhammaan xisbiyada intii lagu jiray kulan ay maanta yeelatay Guddiga Caymiska Bulshada ee Baarlamaanka Iswiidhan, oo ay ku jiraan xisbiyada ku jira heshiiska Tidö.
Afhayeenka xisbiga Centerpartiet u qaabilsan arrimaha socdaalka, Nils Barup Petersen, ayaa sheegay in hindisuhu taageero buuxda ka helay guddiga.
“Waxaan guddiga dhexdiisa ka helnay taageero loo dhan yahay oo ku aaddan hindisahan. Aad bay u wanaagsan tahay in xisbiyada ku jira heshiiska Tidö ay iyaguna taageereen,” ayuu yiri, sida ay baahisay wakaaladda wararka TT.
Inkasta oo xisbiyadu isku raaceen mabda’a ah in la sameeyo sharci ku-meel-gaar ah oo lagu hakiyo masaafurinta dhalinyarada, haddana xisbiyada Tidö ayaa soo bandhigay su’aalo dhowr ah.
Su’aalahaasi waxay la xiriiraan kooxaha dhalinyarada ah ee uu sharcigu khuseyn doono iyo xuduudaha lagu dabaqi doono.
Hadda waxaa la sugayaa faahfaahinta sharciga iyo muddada uu qaadan doono ansixintiisa, iyadoo dhinacyada taageersan hindisuhu ay doonayaan in masaafurinta la hakiyo inta arrinta laga gaarayo go’aan rasmi ah.








