Home Wararka Maanta Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

0

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo saaxiibada Caalamka in gobol ee Shabeelooyinka 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka fuliyeen howlgalo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay Afhayeenka in ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen tuulooyinka hoostaga deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dagaal iyo duqeymo is barbar socday oo halkaasi lagula eegtay Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in deegaanada kala ah Geelgub iyo Boos caduur oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe in jab xoogan lagu gaarsiiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda.

“Howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay labada gobol ee Shabeellooyinka waxaa si weyn loogu naafeeyay cadawga Al-habaab, goobaha howlgalada ka dhaceen waxaa ka mid ah Sabiib iyo Caanoole oo Shabeellaha Hoose ah, Geelgub  iyo Boos caduur oo Shabeellaha Dhexe dhexe oo lagu dilay Khawaarij gaareysa 31 xubnood” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Abuukar Maxamed.

Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab si xoogan ugu socdeen deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan labadaan gobol ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Meelaha howlgaladii ugu dambeeyay ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah deegaanada kala ah Ceel baraf, Daarunicma, Ceel Cali Axmed, Masaajiid Cali Gaduud, Sabiid iyo Canoole iyo degmada Awdheegle, kuwaas oo dhamaantood ka kala tirsan labada gobol ee Shabeellooyinka.