Wakiilka ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa yimid magaalada Muqdisho ka dib markii Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay Sivuyile Bam oo ahaa ku xigeenka howlgalka Midowga Afrika.
Danjiraah cusub ayaa shaqada kala wareegi doona Sivuyile Bam maadaama Soomaaliya ay ku eedeysay  inuu sameeyay falal aan la jaanqaadi karin qiyamka Soomaaliya iyo anshaxa diblomaasiyadeed ee caalamka.
Go’aanka Bam looga saaray dalka ayaa yimid kadib kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 9-kii bishan uu ka sheegay in Al-Shabaab ay guulo ka gaareen dagaalka gobolka Shabeellaha Dhexe isla markaana ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadada Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay Soomaaliya inaysan aqbali doonin dhaqan ka hor imaanaya waajibaadka howgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo mudnaanta qaranka.
Wasiir Fiqi ayaa ka dalbaday Midowga Afrika in Bam uu ka baxo dalka, islamarkaana ay soo magacaan beddelkiisa, si loo sare qaado wada shaqeynta Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu Wasiirka ku eedeeyay Bam uu taageero Al Shabaab, taasi oo dharbaaxo ku ah dagaalka Ciidanka Xoogga Dalka ay ku jiraan kooxdan oo haatanba ka socda qeybo ka mid ah Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Sannadkii 2022, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sabab tan la mid ah waxay dalka uga saartay madaxii hore ee ATMIS Francisco Madeira.
Si-kastaba, maanta ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda dalalka ciidamada ku yaboohay howlgalka AUSSOM ay shir ku yeeshaan Magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.