Madaxweynaha Venezuela oo sheegay in uu doonaya la kulanka Trump iyo wajigabax uu kala kulmay

Madaxweynaha dalkaasi Venezuela Nicolás Maduro oo wareysi siinayay taleefishinka qranka dalkaasi ee AVN ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in uu la kulmo dhiggiisa dalka Mareykanka Donald Trump.

Maduro ayaa yiri ” – Haddii xilliga la gaaro, waxaan diyaar u ahay in aan la kulmo madexweyne Donald Trump”.

Sida ay baahisay idaacadda Mareykanka ee  CBS News  ayaa waxaa dhowr jeer ay isku dayeen diblomaasiyiin Venezuela kasoo jeeda oo lasoo xiriiray aqalka cad in ay suurogeliyaal kulanka labadan madaxweyne.

Laakiin madaxweyne Trump oo shalay soo dhigay bartiisa twitter-ke ayaa ku jees-jeesay oo ku bahdilay madaxweyne Maduro kulanka uu ka dalbanayo, wuxuuna Trumo sheegay in uu la kulmayo oo kaleya marka uu kala hadlayo “iscasilaadiisa” iyo sida uu kursiga u baneyn lahaa.

Hadalka Maduro ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii u dambeeyay uu khilaaf xun oo gaaray in la is-afgambiyo ka dhex taagmaa maamulka Trump iyo maamulka Maduro.

Maduro ayaa dhowr jeer ka bad-baadayo afgambi kaga imaanayay maamulka Trump.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *