SAWIRRO: Madaxweyne Putin oo magaalada Moscow kusoo bandhigay murqihiisa

Ruushka ayaa u dabaal dagaya xuska 75 guurada “maalinta guusha”, isaga oo soo bandhigay awoodiisa milateri xilli laga cabsanayo faafidda cudurka coronavirus.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa horay u baajiyay dabaal dagan sanadlaha ah sababa la xiriira cudurka coronavirus.

Muddo 75 sano ah ayaa ka soo wareegatay tan iyo markii USSR ay ka adkaatay Nazi Germany.

Xayiraadihii saarnaa Moscow ayaa bishaan laga qafiifiyay, taas oo suura gelisay in safaf dhaadheer oo ciidamo ah ay u dabaal dagaan xuska maalintan.

Milateriga ka qayb galayay xuskan ayaa la sheegay inay ku jireen karantiil muddo laba isbuuc ah.

Ku dhaawad 13,000 oo qaybood oo milateri ah, 234 oo gaadiidka gaashaaman iyo 75 diyaaradaha dagaalka ah ayuu Ruushka soo bandhigay xuska maalinta ay ugu madac dareen “maalinta guusha”.

Dagaalkii labaad ee adduunka ayaa Midowga Soviet wuxuu ku waayay 20 milyan oo qof.

Russian servicemen march during the Victory Day Parade in Red Square in Moscow, Russia June 24, 2020. The military parade, marking the 75th anniversary of the victory over Nazi Germany in World War Two, was scheduled for May 9 but postponed due to the outbreak of the coronavirus disease (COVID-19). REUTERS/Maxim Shemetov

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *