LOOLANKA LIBYA: Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga oo u jawaabay madaxweynaha Fransiiska

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa u jawaabay madaxweynaha dalka Fransiiska kaas oo maalintii shalay aheyd ka hadlay doorka Turkigu uu ku leeyahay dagaalka ka socda dalka Libya.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in aanay u dulqaadan karin faragelinta militeri ee uu Turkigu ka wado dalka Libya, waxaana uu ku eedeeyey in Ankara dheeleyso cayaar khatarteeda leh.

Macron waxa uu sheegay in uu u caddeeyey madaxweyne Erdogan in uu Turkigu ka horyimid dhamaan hishiiskii lagu gaadhey Berlin iyo cunaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay, meel khalad ahna uu kubadda u laadayo.

Wasiir Mevlut Cavusoglu ayaa cambaareeyay hadalka madaxweyne Macron, waxaana uu sheegay in Turkigu taageerayo dowladda ay Qaramada Midoobay iyo caalamkuba aqoonsan yihii.

Waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha Frankiiska in uu doonayo in uu soo celiyo gumeysigiisii waqooyiga Afrika.

” – Fransiisku waxa uu doonayaa in uu kala qeybiyo Libya, uuna soo celiyo gumeysigiisii gaboobay”, ayuu yiri wasiir Mevlut Cavusoglu.

Si kastaba, Turkiga ayaa taageera dowladda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli, halka Faransiisku uu ka mid yahay dalal dhowr ah oo garab siiya jeneral Khaliif Xaftar oo ciidankiisa ay haystaan Bariga Libya.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *