Atoore caan ah iyo qoyskiisa oo dhammaan uu ku wada dhacay cudurka coronavirus

Sida uu shaaca kaga qaaday muuqaal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka atooraha caanka ah ee reer Mareykan Dwayne Douglas ayaa waxaa laga helay isaga iyo xaaskiisa iyo waliba labadiisa carruur cudurka COVID-19.

Atooraha ayaa sheegay in gabdhihiisa oo kala jira da`aadda 2 iyo 4 sano uu cudurkan ilaahay u sahlay, islamarkaana eysan dareemin wax culeyso waaweyn ah.

” – Xaaskeyga Lauren, labadeyda gabdhood ee yar-yarka ah iyo anigaba waxaa nalaka helay cudurka COVID-19. Waxaan doorbidi lahaa in uu aniga keliya igu dhco, laakiin sidaa arrintu ma noqon, waan ka xumahay”, ayuu yiri Dwayne.

Waxa uu sheegay in isaga iyo xaaskiisa uu cudurku ritay, balse ay iminka ka boodeen.

Atoore Dwayne ayaa kusoo caan-baxay filmka “Fast & Furious” oo dhowr qeyb ah, waxaana ka hor atoorenimadiisa uu ahaa nimanka dheela ciyaarta loo yaqaan musaaracada.

Waxaa lagu tilmaamay Dwayne ninka ugu dhaqaale sameyska badan barta Instagramka oo uu ku leeyahay bulsho badan.


1 Response

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *