Baarlammaanka Somaliland oo ansixiyay xubno lagu kordhiyay guddiga doorashooyinka

Magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa maanta waxaa kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland, waxaana ujeedka kulankaasi ahaa ansixintia labo xubnood ee guddiga doorashooyinka u matali lahaa xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, kuwaasi oo horey loo diiday ansixintooda.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay labadii xubnood ee mucaaradka umatalayay komishanka doorashooyinka ee UCID iyo Waddani.

Maxamuud Siciid Dalmar oo ka socday xisbiga Waddani ayaa waxaa u codeeyay 51 xildhibaan, mana jirin xildhibaan diiday iyo mid aamusay toona, iyadoona sidaasna lagu ansixiyay.

Sidoo kale Cabdifataax Ibraahin Sheekh oo isna ka socday Xisbiga UCID ayaa waxaa ogolaadey 49 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday, halka ay ka aamuseen codeynta saddex xildhibaan.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa 28-kii bishii Maarso 2020 waxaa ay diideen ansixinta xubnaha ay xisbiyada Wadanni iyo UCID u soo magacaabeen doorashooyinka Somaliland, hayeeshee ugu dambeyn maanta ayay ansixiyeen.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *