PAKISTAN: Weerar hubeysan oo lagu qaaday suuqa kala iibsiga Karachi

Wararka ka imaanaya magaalada Karachi ee dalkaasi Pakistan ayaa waxa ay sheegayaan in weerar hubeysan saakay oo isniin ah lagu qaaday suuqa kala iibsiga mafaaladaasi.

Dablayda weerarka soo qaaday ayaa bom gacameed ku tuuray albaabka weyn ee dhismaha suuqa ka hor weerarkooda.

Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in afar ka mid ah ragga weerarka soo qaaday la dilay, walina uu socdo holgal.

Sidoo kale labo ruux oo shacab ah ayaa weerarkaasi ku dhintay.

Wali lamga oga cida weerarka ka dambeysa.

Karachi ayaa ah magaalada ugu weyn, uguna shacab badan dalkaasi Pakistan, waxaana ay magaalo madax u tahay gobolka Sindh.

Wixii kusoo kordha kala soco Calanka

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *