Jilaa Mareykan caan ah oo meydkiisa laga helay gurigiisa

Jilaaga caanka ah ee reer Mareykan Tommy «Tiny» Lister, oo lagu xusuusto aflaamta «Friday» iyo «The Fifth Element» ayaa la soo warinayaa in uu geeriyooday kadib markii meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaal magaalada Marina del Rey ee gobolkaasi California.

Manager-kiisa Cindy Cowman ayaa geerida 62-jirkan jilaaga ah u xaqiijiyay jaraa`idka Variety.

Cindy ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay uu jilaaga la ildarnaa cudurka coronavirus, sidaasna uu u joogay gurigiisa oo uu shaqada kasoo qaban jiray.

Jilaaga ayaa sidoo kale wax ka jilay aflaanta «Runaway Train», «Blue City» iyo«Beverly Hills Cop II».

Wali lama oga sababta iyo cudurka uu u geeriyooday, balse waxaa socda baaris arrintaasi ku aadan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *