Xaaska heesaaga caanka ah ee Dr. Dre oo dalbatay furriin kadib 24 sano oo ay is qabeen

Heesaaga caanka ah ee reer Mareysa Dr Dre (55-jir) ayaa lasoo warinayaa in xaaskiisa 50 jirka ah ee Nicole Young  ay dalbatay furriin kadib markii ay codsi ku aadan arrintaasi ay maxkamadda magaalada Los Angeles u gudbisay maalintii isniinta aheyd.

Lammaanahan oo is qabay 24 sano ayaa is guursaday sannadkii 1996-kii, waxaana ay kala heleen 2 carruur oo gabar iyo wiil ah kuwaas oo lagu kala magacaabo Truice (23 jir) iyo Truly (19 jir). 

Nicole Young  ayaa sidoo kale dalbaneysa in dhaqaale looga soo qaado ninkeeda ay iminka dooneyso in ay ka tagto.

Dr. Dre oo magaciisa runta ah yahay Andre Young ayaa ah milyaneer ka taajiray heesaha raabka, waxaana uu shidnaa sanadihii sideetamaadka iyo waliba sagaashamaadka.

Mr. Dre ayaa ka mid ahaa kooxdii caanka baxday ee N.W.A. kuwaas oo ay kula jireen ragga kala ah Ice Cube iyo Eazy-E, waxaana la aas-aasay kooxdaasi sannadkii 1986.

Waxa uu sii saaray Dr. Dre heesaayaasha kala ah Eminem, Kendrick Lamar iyo Snoop Dogg.

Waxaa uu qeyb ka lahaa istuudiyihii burburay ee Death Row Records, waxaana uu gadaal ka sameystay mid isaga u gaar ah oo lagu magacaabo Aftermath Entertainment kaas oo uu lacag badan ka sameeyay.

Akhriso sidoo kale...

2 Responses

  1. Qamar Cabdi, Ohio says:

    NImanka madow ee lacagta haysta maxay u guursadaan intooda badan naag cadaan ah, talow. Waa su`aal in badan aan isweydiiyay . Kumanaan naagohooda ah oo qurxan ayaa buuxa.

  2. Onkod says:

    White bitch.. Lacagta bas ayay u socotaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *