Gabar reer Iran oo caan ka ah baraha bulshada oo xabsi 10 sano ah lagu xukumay

Sahar Tabar, amaFatemeh Khishvand oo magaceeda runta ah yahay islamarkaana u dhalatay dalka Iran ayaa waxaa ay ku caan-baxday in ay sawirro lala yaabo oo muuqaalkeeda ah ay soo dhigto baraha bulshada, gaar ahaan barta loo yaqaan Instagram-ka oo ay ku laheyd in ka badan 486 000 oo macmiil.

Sannadkii tagay ayaa waxaa dowladda Iran xabsiga u taxaabtay iyada iyo xubno kale, waxaana lagu eedeeyay Sahar in ay diinta iyo dharka xijaabka u geftay, iyadoona sidoo kale lagu eedeeyay in ay qaabab khaldan ay lacago u sameysay.

10 sano oo xarid ah ayaa ugu dambeyn lagu xukumay xilli lasoo taagay maxkamad ku taal magaalada Tehran.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *