SAWIRRO: Shiinaha oo sharci cusub kusoo rogay Hong Kong iyo caalamka oo kacay

Dowladda Shiinaha ayaa sharci cusub oo xakameynaya “xorriyaddooda” ka hirgalisay ismaamulka Hong Kong oo 23 sano ka hor uu ku wareejiyay gumeystihii Ingriiska.

Shircigan cusub oo aan la marsiin baarlammaanka Hong Kong ayaa la diyaariyay kadib muddo sannad ah oo ammaanka maamulkaasi uu khal-khal ku jiray.

Xubnaha sare ee xukuumadda Shiinaha u qaabilsan Hong Kong oo sharcigan la diyaariyay dowladda Shiinaha ayaa sheegay in uu lagamamaarmaan u yahay ammaanka dalweynaha Shiinaha.

Sharcigan cusub ayaa waxaa qalinka ku duugay shalay oo Talaado aheyd madaxweybaha dalka Shiinaha Xi Jinping.

Tan iyo shalay ayaa waxaa Hon Kong lagu xiray in ka badan 30 ruux kuwaas oo u dibedbaxayay madaxbanaanida Hong Kong.

27 ka mid ah waddamada caalamka oo ay hor-boodayaan waddamada waaweyn sida Mareykanka iyo Britain ayaa ugu baaqay Shiinaha in uu dib uga fiirsado sharcigaasi, waxaana qoraal ay kasoo saareen Qaramada Midoobau ku sheegeen in sharcigaasi uu xakameynayo xoriyadda is-maamulka ee Hong Kong.

Zhang Xiaoming

Si kastaba, masuulka u qaabilsan xukuumadda Baijing ee Shiinaha ismaamulka Hong Kong oo lagu magacaabo  Zhang Xiaoming ayaa shir jaraa`id uu qabtay waxaa uu ugu jawaabay wadamada baaqa kasoo saaray Qaramada Midoobay ee 27-ka ah, waxaana uu u sheegay in eysan arrintaasi waxba ka khuseyn oo aysan iyaga u oolin.

” – Maxaa idinka galay, adinka? Waxba idinkama khuseeyaan ee danihiina raacda”, ayuu yri mr.  Zhang Xiaoming.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *