Kim iyo Kanye oo kala tagaya iyo mid ka mid ah dhinacyada oo furriin dalbaday

Sida ay qorayaan warbaahinta Mareykanka lammaanaha caanka ah ee Kim Kardashian (40-jir) iyo Kanye West (43-jir) ayaa kala tagaya kadib muddo uu xiriirkooda qoyseed uu xumaa.

Lammaanahan ayaa haysta 4 carruur ah waxaa ay isqabeen 6 sano.

Wararku waxa ay sheegayaan in Kim Kardashian ay dalbatay warqadaha furriinka, iyadoona xiriir la sameysay qareenka arrimaha furriinka ku dheereeya ee Laura Wasser.

Arrintan ayaa timid kadib isku-dayo dhowr ah oo ay sameeyeen lammaanahan kuwaas oo ay ku bad-baadinayaan qoyskooda balse ay wax ka soo naasa-caddaan waayeen.

Marka laga reebo warbaahinta, lammaanahan ayaana dhankooda laga xaqiijin jiritaanka warkan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *