This radar image shows the flight path of Indonesian Sriwijaya Air Flight 182 before it dropped off radar, Saturday, Jan. 9, 2021. The Sriwijaya Air passenger jet carrying 62 people lost contact with air traffic controllers after taking off from Indonesia’s capital on Saturday on a domestic flight, officials said. (Flightradar24.com via AP)

Diyarad rakaab oo ay saarnaayeen inkabadan 50 qof ayaa la waayay waxyar un kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Indonesia ee Jakarta.

Saraakiil dowladda ka tirsan waxay sheegeen in diyaaradda Sriwijaya oo nooceedu yahay Boeng 737 ay lumisay xiriirka xilli ay kusii jeeday galbeedka gobolka Kalimantan.

Bog la socda dhaqdhaqaaqa diyaaradaha adduunka oo la yiraahdo Flightradar24.com ayaa soo wariyay in diyaaradda ay xiriirka lumisay 10 kun oo fiit markii ay hawada joog sare sare u gashay.

Sawirada wax u muuqday burbur diyaaradeed ayaa kasoo muuqday qaar kamid ah telefishenka iyo baraha bulshada ee dalkaas.

Qaar kamid ah dadka deegaanka e jasiiradda Lancang island oo u dhaw halka ay diyaaradda ku luntay ayaa BBC-da, laanta Indonesia u sheegay inay heleen walxa loo maleeyay inay yihiin baalasha diyaaradda.

Wasaaradda gaadiidka ee dalka Indoneis na waxay sheegtay in uu socdo gurmad iyo dedaalo samata bixin ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*