Al-Shabaab ayaa sheegtaydilka xildhibaan ka tirsan maamul goboleedka Hirshabeelle kaas oo maanta gelinkii hore lagala dagay gaari BL ah oo kasoo ambabaxay magaalada Jowhar islamarkaana kusoo jeeday magaalada Muqdisho.

Xildhibaankan ayaa magaciisa lagu sheegeen Maxamed Maxamuud Xuurshe (Siyaad).

Al-Shabaab ayaa la sheegay in baabuurka uu xildhibaanku la socday ay ka leexiyeen jidka agagaarka deegaanka Gololey ka dibna ay la degeen.

Xildhibaanka ayaa lagu dilay deegaanka Yaaqle oo Gololey 16km dhanka bari kaga beegan sida ay xaqiijiyeen dad degaanka ku sugan.

Dhinaca kale, ilaa afar qof ayaa lagu dilay dagaal beeleed shalay ka dhacay deegaanka Maaxaay oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo lagu soo warramayo in xiisad ay wali ka taagan tahay deegaanka.

Dhowaan ayuu deegaankan tagay gdoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe oo maalmo dhowr ah u joogay halkaasi si uu u xalliyo khilaafka labada beelood oo isku haya dhul.