Baasaboorrada dadka adduunka qaarkood waxay u yihiin shey muhiim u ah oo loo baahan yahay in mar walba uu diyaar kuu ahaado, halka dad kalena ay u arkaan caqabad hor taagan socdaalka.

Bogga wax ka qora arrimaha socdaalka caalamka ee Henley Passport Index oo ay aqoonsan tahay hay’adda maamusha duulimaadyada caalamak ee IATA, ayaa sanad walba soo saarta liis muujinaya baasaboorrada adduunka iyo sida ay ugu kala horreeyaan fududaanta safarrada.

Baasaboorka waddanka Japan ayaa mar kale sanadkan 2021-ka kaalinta koowaad ka galay liiska baasaboorrada ugu awooda badan caalamka, marka la eego inta waddan ee lagu aadi karo dal ku gal la’aanta ama dal ku galka lagu qaato garoomada diyaaradaha ee dalalka loo safro.

Tobanka baasaboor ee ugu horreeya liiska 2021-ka

  • Japan (191)
  • Singapore (190)
  • Kuuriyada Koonfureed, Jamalka (189)
  • Talyaaniga, Finland, Spain, Luxembourg (188)
  • Denmark, Austria (187)
  • Sweden, Faransiika, Portugal, Burtiqiis, Netherlands, Ireland, (186)
  • Switzerland, Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Belgium, New Zealand (185)
  • Giriigga, Malta, Czech Republic, Australia (184)
  • Canada (183)
  • Hungary (182)

Baasaboorka soomaaliga ayaa saddankan galay kaalinta 106, waxaana ka hooseeya qiimo ahaan dalalka hoos ku xusan.

Shanta baababoor ee ugu qiimaha xun:

Yemen

Pakistan

Syria

Iraq

Afghanistan

2 Comments

  1. islamo phobia waa sidaan o kaleeto dadkanaa waxaa lagu talo galay in aay horey ka aminan its unbalanced report weye wayo dal islam ah kuma jiro inta aad so xigatay wadamo badan oo qiime leh basaboradooda ayaa jira sida turkey indonesia and so on

    inta somali kasii hoseesanaa wa wada islam taasi cadeen buxda waxay u tahay in western people rabaan as fikir ahaan dominant in dalalka islamka ka dhigan.

    dunidu cadalad beey u buktaa

  2. Somaliq waxay kamid tahq dalal islamka ee lafaquqay. Diwan galin tana wa islan nacayb

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*