Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro oo laga helay cudurka coronavirus

Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa shaaca ka qaaday xilli uu shir jaraa`id qabtay in laga helay cudurka coronavirus kadib digniino uu saacadihii u dambeeyay soo saarayay kuwaas oo ku aadan in aan laga soo ag-dhawaan.

Shalay ayaa laga qaaday tijaabada kadib markii uu iska dareemay qandho saa`id ah, waxaana jawaabtu ay u timid maanta isagoona loo sheegay in laga helay xanuunka COVID-19.

Waxa uu sheegay in uu iminka wanaagsan yahay islamarkaana uu qaato dawada kaneecada ee loo yaqaan hydroxiklorokin taa soo aan wali si rasmi ah loo cadeyn in ay wax ka tari karto cudurka corona.

Madaxweynaha ayaa markii uu cudurkan bilowga ahaa dhayalsan jiray, isagoona ku tilmaamay “hargab yar oo fudud”, waxaana lagu dhaleeceeyaa in uusan dadkiisa si wanaagsan uga guubaabin islamarkaana uusan sharciyada bandowga iyo xayiraadaha kusoo rogin dalkiisa waqti hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *