Shirka madaxda maamul-gobaleedyada ee Dhuusamareeb oo furmaya

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda kumeel-gaarka ah ee maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda ee maanta in uu ka furmo shirka u dhaxeeya madaxda maamul gobaleedyada.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan dhammaan madaxweynayaasha maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirahabeelle, Puntland iyo Galmudug oo martigelinaysa shirka, iyada oo saacadihii lasoo dhaafayna ay yeesheen kulamo gaar-gaar ah.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda, amniga, doorashooyinka iyo khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah madaxda maamul gobaleedyada, gabangabadana waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *