Home Wararka Somaliya Somaliland Faahfaahin Ciidanka SSC oo gacanta ku dhigay Gudoomiyihii Maxkamada G/Sool ee Somaliland

Faahfaahin Ciidanka SSC oo gacanta ku dhigay Gudoomiyihii Maxkamada G/Sool ee Somaliland

0

Ciidanka Qaybta Booliiska Gobolka Sool ee Maamulka SSC ayaa gacanta ku soo dhigay Horgal Axmed Diiriye Burcad oo ahaa Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland

Ciidanka ayaa sheegay iney heleen xogta ninkan oo ku maqnaa Magaalada Hargeysa Dhowaana Soo Galay Degmada Laascaanood.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ninkan la soo taagayo maxkamad si loogu ciqaabo dembiyo ay ku eedeynayaan inuu galay.

“Horgal Axmed Diiriye Burcad mudadii Deegaanka ay joogeen Jabhada Argagixisada SNM Deegaanka wuxuu ka galay danbiyo waaweyn waana ninkii ka dambeeyey in 21-6-2022 Weriye Cabbaas Madani Hooyadii Tv-ga Khasab uga hadasho raaligelinna siiso Jabhada Argagixisada SNM” ayuu yiri sarkaal ka tirsan lamaha amanka SSC.

Previous articleMaxay Tahay Sababta Uu Sanbaloolshe u Xiray Wariye Xuseen Cabdille?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here