Sirdoonka dalka Norway ee Politiets sikkerhetstjeneste (PST) ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo arbaca ah waxa ay digniin ugu dirtay masaajidda iyo goobaha kale ee ay muslimiinta isugu yimaadaan kadib markii ay sheegeen in ay heleen xogo ku aadan in ay dhici karaan weeraro argagixiso oo lala beegsado.

Kooxaha weeraradan looga baqayo in ay geystaan ayaa ah kuwa xagjiriinta cunsuriyada ah, mana la sheegin goobaha ay damacsan yihiin in ay weeraraan balse loo badinayo goobaha ay isugu yimaadaan muslimiin tiro badan.

Weeraradan ayay boolisku sheegeen in ay dhici karaan waa haddii ay dhacaane, inta u dhaxeysa maalinta Khamiista iylaa isniinta oo ay muslimiinta dalkaasi u dabaaldagayaan ciidul adxa-da.

Warbinta digniinta booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Philip Manshaus oo sano hore weerarka fashilmay ka geystay masjidka al-Noor ee dalkaasi uu qorsheynayay in uu weeraro 11. august oo ku beegneyd maalin ciid ah, balse uu u badashay maalin Jimco ah oo salaadda Jimcaha la tukan rabay.

Weeraradan ayaa isugu jiri kara sida ay boolisku sheegeen kuwo ay geystaan shakhsi ama koox kuwaas oo isticmaalaya farsamooyin ay ka mid yihiin in ay weerar hubeysan ku qaabaan goobahan muslmiinta badan isugu yimaadeen, mid gaari loo adeegsado iyo mid walxaha qarxa isna loo adeegsado.

Booliska ayaa sheegay in ay korortay cabsida laga qabo weeraro ay geystaan kooxaha xagjiriinta ah ee ay u geysanayaan dadka ajaaniibta ah.

Digniinta sirdoonka ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan koox baaraysay weerarkii masjidka al-Noor ay soo saareen warbixin ay ku dhaleeceynayaan ha`adda sirdoonka PST taas oo ku aadaneyd in aysan wax digniin ah siinin masaajidda iyo goobaha kale ee u nugul weerarada argagixiso ka hor weerarka masjidka al-Noor oo ay ogaayeen in ay dhici karaan weeraro argagixiso sda ku xusan warbixin ay soo saareen 6 isbuuc ka hor weerarka masjidka al-Noor.