Dalka Japan oo laga magacaabay jago wasiirnimo oo layaab leh

Dalkaasi Japan waxaa sare u kacay dadka isdila sababo la xiriira saameynta cudurka coronavirus uu ku reebay bulshada dhan walba, waxaana iyada oo dowladda dalkaasi isku dayaysa in ay wax ka qabato magacowday wasiir arrintaasi wax ka qabta.

Wasiirkan cusub oo lagu magacaabo Tetsushi Sakamoto ayaa loo magacaabay jagada “wasiirka cidlada”, waxaana uu sheegay in uu la imaan doono qorshe uu kaga hortagaya ama uu ku yareynayo is-dilka sare u kacay iyo cidlada lasoo darista dadka qaarkood.

Jago midaan la mid ah ayaa waxaa markii ugu horreysay taariikhda magacowday r/wasaaraddii dalkaasi Britain Theresa May taas oo u magacowday jagadaasi sannadkii 2018 gabadha lagu magacaabo Tracey Crouch.

Dalka Japan ayaa ka mid ah dalalka liiska hore kaga jira isdilka, waxaana arrinta sii cakiray cudurka coronavirus.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *