Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed War Deg Deg ah: Dagaal culus oo Ka Socda Degmada Qoryooleey

War Deg Deg ah: Dagaal culus oo Ka Socda Degmada Qoryooleey

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo markale maanta dib uga qarxay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu maanta ka dhacay xaafada Buulo Siidow, wuxuuna saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi.

Sawirro laga soo qaaday bartamaha Qoryooley ayaa muujinaya degmada oo haawaneysa, isla markaana cidlo ah, maadaama dagaalka si weyn looga dareemay halkaasi.

Ilo deegaanka ah Calanka Media u sheegay in dagaalka uu weli socdo, isla markaana la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, ayna cakiran tahay xaaladda.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo marar badan kusoo laa laabtay aagga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xiisadda ka taagan Qoryooley oo u dhexeyso labada beelood ayaa todobaadii u dambeeyay ka taagnayd magaalada, waxaana fashilmay dadaallo lagu xalinayay labada dhinac.

Marka laga tego Qoryooley, waxaa jira magaalooyin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed, sida Diinsoor iyo Buurhakaba oo iyana ay ka taagan yihiin dagaal beeleedyo, waxaase faro-gelisay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ciidan gaysay degmooyinkaasi.

Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee maamulka, waxaa iyadana ka jirta xiisad kale oo u dhexeyso ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan magaaladaasi.

Previous articleUrurka Midowga Yurub oo Malaayiin Doolar ugu Deeqay Dowlada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here