Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ku dhowaad 5,000 oo shaqaale doorasho ah loo diri doono goobaha codbixinta 25-ka Diseembar, si loo xaqiijiyo in doorashada Qof iyo Cod ee Banaadir ay si guul leh u dhacdo.
Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in dadkani oo intooda badan ay yihiin dhalinyaro ah ay soo mareen tababaro la xiriira maamulka doorashooyinka, waajibaadka shaqaalaha, xuquuqda codbixiyeyaasha iyo habraacyada, si loo hubiyo in doorashadu u dhacdo si hufan oo caddaalad ah, isla markaana waafaqsan shuruucda qaranka.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in doorashada Banadir ay leedahay muhiimad gaar ah, isla markaana ay door weyn ka ciyaari karto jihada dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya. Wuxuu xusay in shaqaalaha doorashadu ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso kalsoonida shacabka ee hanaanka doorashada.
Wuxuu ku boorriyey shaqaalaha inay si buuxda u ilaaliyaan dhexdhexaadnimo, caddaalad iyo anshax xirfadeed, isla markaana ay si siman ula dhaqmaan dhammaan axsaabta siyaasadda iyo kormeerayaasha doorashada.
Wuxuu adkeeyay in mas’uuliyadda ay qaadi doonaan maalinta doorashadu ay si toos ah u saameyn doonto aragtida dadweynaha ee doorashooyinka mustaqbalka.
“Waxaad qaban doontaan hawl fudud balse culus. Waxa la idinka rabo waa inaad u adeegtaan shacabka Soomaaliyeed ee soo baxaya maalintaas inaad fududaysaan codbixinta, abaabushaan safafka, gutaan waajibaadkiinna si caddaalad ah, una xaqiijisaan cadaalad dhammaan axsaabta tartamaya iyo kormeerayaasha,” ayuu yiri.
Villa Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa hirgelinta doorashooyinka Qof iyo Cod, halka mucaaradku ay ku doodayaan in hannaankaasi uusan ahayn mid caddaalad ah ama suurtagal ah marka la eego duruufaha hadda jira.








