Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa cunaqabatayn cusub ku soo rogay xubnaha qoyska Maduro isagoo kordhinaya cadaadiska lagu doonayo in xilka looga tuuro madaxweynaha Venezuela.
Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn lagu soo rogay qoyska Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro iyo lix shirkadaha batroolka iyo Maaraakiibtooda, iyadoo ay socdaan khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Washington iyo Caracas.
Tallaabadan ugu dambeysay ee maamulka Donald Trump uu qaaday Khamiistii ayaa timid maalin uun ka dib markii ciidamada Mareykanka ay qabteen markab kale oo saliid sida meel u dhow xeebta Venezuela.
Tan iyo bishii Sebtembar, Mareykanka wuxuu ugu yaraan 21 weerar oo dhimasho leh ku qaaday doomo la sheegay inay sideen daroogo Badda Caribbean-ka, waxayna dileen ciidamada Mareykanka in ka badan 80 qof.
Weeraradaasi ayuu maamulka Mareykanka qiil uga dhigay inay lagama maarmaan tahay si loo joojiyo qulqulka daroogada sharci darrada ah ee soo galaya Mareykanka, dadka siyaasadda u kuurgala waxay aaminsan yihiin in ujeedadu tahay in Maduro xukunka laga tuuro, gaar ahaan sababtoo ah Venezuela ma aha isha ugu weyn ee daroogada soo gasha Mareykanka, maamulka Trump-na ma uusan bixin wax caddayn ah oo muujinaya waxa ay sideen doonyaha la duqeeyey iyo dadka la dilay.








