Home Wararka Maanta Xukunka Sariflihii Alshabaab la Shaqaynaayay

Xukunka Sariflihii Alshabaab la Shaqaynaayay

0

Xukunka Sarifle jaanuus u ahaa khawaarijta….

Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa loo soo xiray Kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan qeybta Jaajuusnimada iyo inuu gacantiisa ku fuliyey Falal agagixisanimo.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, ayuu ku lahaa goob uu gabbaad ka dhiganayey oo lagu sarifo lacagaha, isaggoo Khawaarijta uu u gudbin jiray xogaha Ciidanka Muqdisho ka baxa ee ku wajahan Shabeellaha hoose, islamarkaana maraya Wadada Ceelasha Biyaha, tiradooda iyo gaadiidka ay wataan intaba.

Khawaarijta waxuu ku biiray 2012, waxaana ku tashkiiliyey Yuusuf Xasan Ibraahim oo horey Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay ugu xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah, isaggoo ku daray qeybta Jaajuusnimada iyo Bombo tuurka, Xogaha uu helana waxaa uu u gudbin jiray Yuusuf Xasan Aadan.

Bishii Lixaad sanadii 2022 waxa uu Bomb gacmeed ku tuuray saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo xilligaasi ku sugnaa goob timaha lagu jarto, sidoo kale Goobo kale oo ay kamid yihiin Alnasri 3 iyo Hotel Musdalifo ayuu Bomb ku tuuray.

Falalkaasi argagixisanimo ee uu geystay Maxamed Cali, ayaa waxaa ka dhashay dhaawaca seddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen Haween.

Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa u cararay deegaanka Jannaale, kadib markii Ciidanka amniga ay soo qabteen Yuusuf Xasan Ibraahim oo ahaa Horjoogihiisa, Afar bilood kadibna waxa uu kusoo laabtay Ceelasha Biyaha isaggoo sii amba-qaaday dhagartiisa, waxaana markaan horjooge u ahaa nin lagu magacaabo Nabadoonka.

Hay’adaha amniga oo ku raad-joogay Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa Deeganka Ceelasha biyaha kasoo qabtay taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobankii Bisha Labo iyo Tobnaad ee 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday Labo iyo Tobankii Bishii seddexaad ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamed Cali Xersi Diirshe 15 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Previous articleMaxay ahayd Haweeneyda Taageertay Soomaaliland oo Khaatuma Lagu Xiray?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here