Ciyaaryahan caan ah oo ka soo toosay koma uu ku jiray ku dhawaad saddex sano

Ciyaaryahanka kooxda Ajex ee Abdelhak Nouri ayaa ka soo toosay koma uu galay xilli uu ciyaar ku jiray, waxaana uu kasoo toosay kadib 2 sano iyo sideed bilood, sida ay baahinayaan warbaahinta.

Wiil la dhashay ciyaaryahanka oo lagu magacaabo Abderrahim ayaa warbaahinta  Dutch daily De Telegraaf u sheegay in walaalkii oo 22-jir ah uu kasoo toosat komihii uu ku jiray 32-da bilood, uuna imanka muujiyay dhaq-dhaqaaq nololeed.

Ciyaaryahankan yaa ku dhacay ciyaar-saaxiibtenimo oo ay kooxdiisa Ajax la ciyaareysay kooxda Jarmalka ah ee Werder Bremenbishii July 8, 2017 taas oo ka dhacday dalka Austria, waxaana markaasi la sheegay in uu asiibay xanuun dhaawaca dhawaca dhanka maskaxda oo afka inriiska lagu yiraahdo ” cardiac arrest “.

Abdelhak oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Marooko ayaa haysta dhalashada Dutch, waxaana uu u ciyaaraa kooxda Ajax ee ka soo jeeda caasimadda dalka Holland ee Amsterdam.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *