Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo fariin adag u diray Mucaaradka ku shirsan Kismaayo

Xasan Sheekh oo fariin adag u diray Mucaaradka ku shirsan Kismaayo

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay shirka mucaaradka ee ka socda magaalada Kismaayo, isagoo diray farriin si toos ah ugu wajahan siyaasiyiinta ku shirsan halkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay wada-hadal iyo tanaasul, balse uu shirka Kismaayo noqdo ay kasoo baxaan aragtido iyo qodobo ay Dowladda iyo ummadda Soomaaliyeed ka gadmi kara ayna ku gorgortami karaan hogaamiyeyaasha Mucaaradka.

“Walaalaha Kisaamyo waxaan leeyahay haddaa isku timaadeen Tashada Ra’yi la imaada,Lama aadi karo Kismaayo oo diyaaradaha ka xira ma lihin wax la fahmi karo oo Umadda Soomaaliyeed fahmi karto la imaada Tanaasul ayaan diyaar u nahay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in muddo laba bilood ah ay socdeen wada-hadallo siyaasadeed oo u dhexeeyay dowladda iyo Mucaaradka, kuwaas oo diiradda lagu saarayay arrimaha masiiriga ah ee dalka, Wuxuu xusay in is-aqbalidda ay ka muhiimsan tahay wax kasta oo kale, balse ay jirto dhibaato ka dhalata in mar walba lagu sii nagaado meeshii hore.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay jireen siyaasiyiin aqbalay aragtida dowladda iyo kuwo kale oo ka biyo diiday, hase yeeshee wixii la isla gartay loo gudbiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si sharci ahaan loo meelmariyo.

“Caqliga Hotel Jasiira kusoo dagi waayey ee Kismaayo kusoo dagaya anigu ma fahmi karo; xisbiyo sameysta oo aragti la imaada,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ka digay in la gaarsiiyo xaalad hub la isugu hanjabo, isagoo xusay in haddii ay timaado maalin qori la soo qaato, ay noqon doonto mid looga hortagi doono si walaaltinimo, laguna oranayo “joog,” si loo badbaadiyo midnimada dalka.

Waxa uu adkeeyay in Soomaaliya aysan marnaba u dulqaadan karin nidaam kaligii-talis ah, isla markaana ay u baahan tahay siyaasad xasiloon oo ku dhisan wadatashi iyo is-ixtiraam.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya iyadoo shirka mucaaradka ee ka socda magaalada Kismaayo uu maanta galay maalintiisii saddexaad, islamarkaana ay halkaasi ku shirsan yihiin siyaasiyiin dowladda federaalka ka aragti duwan, kuwaas oo ka doodaya xaaladda guud ee dalka iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka.