Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland oo dagaal xooggan ay la galeen kooxda Al Shabaab wacdaro ugu dhigay, ayaa helay bogaadin iyo taageero uga imaaneysa bulshada ku dhaqan Jubbada Hoose.
Mid kamid ah beelaha dega Jubbaland ayaa taageero iyo garab istaag u muujiyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland, waxa ayna xubno matalayay odayaasha beeshan ciidamada ugu deeqeen xoolo, raashin iyo lacag caddaan ah .
Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland ayaa odayaasha dhaqanka ee beesha Abaasguul oo kamid ah beelaga dega Jubbaland kala wareegay 20-neef oo geel ah, 50 Ari ah iyo 20,000 oo dollar, oo ay ugu talagaleen in ay ku garab istaagaan ciidamada dagaalka kula jira Al Shabaab.
Odayaasha deeqda kala duwan ku wareejiyay ciidamada Jubbaland ayaana sheegay in ay taageersan yihiin ayna garab taagan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee dagaalka kula jira Al Shabaab, waxa ayna ciidamada u rajeeyeen guulo badan iyo in ay soo afjaraan kooxda Al Shabaab.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee dagaalka kula jira Al Shabaab ayaa horey taageero iyo dhiiragalin uga helay bulshada ku dhaqan Kismaayo, gaar ahaan haween iyo dhallinyarro , kuwaa oo ciidamada deeqo kala duwan gaarsiiyay.