Home Wararka Maanta Mareykanka iyo 17 dal oo kale oo farriin culus u diray Xamaas

Mareykanka iyo 17 dal oo kale oo farriin culus u diray Xamaas

0

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden iyo hoggaamiyayaasha illaa 17 dal oo kale oo caalamka ah ayaa ugu baaqay ururka Xamaas inay aqbalaan hindisaha xabbad-joojinta isla markaana ay sii daayaan la haystayaasha gacanta ugu jira.

Dalalkan soo saaray bayaanka ayaa muwaadiniin u dhalatay dalalkoodu ay ka mid yihiin dadka gacanta ugu jira ururka Xamaas.

Hindisaha xabbad-joojinta ee la soo bandhigay ayay ku jiraan, “Xabbad-joojin degdeg ah, oo wakhti dheer soconaysa, taas oo sahlaysa in gargaar bini’aadanimo oo dheeraad ah in la geeyo marinka Qaza, iyada oo horseedi karta in la soo afjaro guud ahaan colaadda jirta,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in dadka reer Qaza ay dib ugu laaban doonaan guryahooda, iyada oo loo diyaarinayo hoy iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin.

Dalalka bayaankan soo saaray ee Maraykanka ku wehelinayey waxaa ka mid ah dalalka Argentina, Austria, Brazil, Bularia, Canada, Colombia, Denmark, France, Germany, Hungary, Poland, Portugal, Romania, Serbia, Spain, Thailand iyo Ingiriiska.

Xamaas ayaa diiday hindisaha la soo jeediyey, sida uu sheegay sarkaal sare oo u hadlay maamulka Biden. Hase ahaatee wuxuu intaas ku daray inay weli jiraan dareeno ka imanaya dhinaca Xamaas oo sheegaya inay ka fekerayaan hindisahan.

Warbixino kala duwan ayaa sheegaya in Xamaas ay dalbanayso heshiis xabbad-joojineed oo dhamaystiran, in Israa’iil ay si dhamaystiran uga baxdo Gaza, in kor loo qaado gargaarka imanaya, iyo in dadka reer Gaza ay si dhamaystiran ugu laabtaan woqooyiga Gaza.

Xamaas ayaa ku eedaynaysa in Israa’iil ay ka hor-istaagayso in shacabku ay dib ugu laabtaan guryahooda.

Previous articleDowladda Shiinaha oo Soo Dalbatay Caanaha Geela Soomaalida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here