Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta barqadii ka dhacay gacan ka hadal u dheexeeyay shaqaalaha ka tirsan laanta socdaalka ee loo yaqaan mireyshinka iyo ciidamo dharcad ah oo iyana ka socday nabad-sugidda qaranka.

Isku dhacaan oo aan wax badan laga ogeyn ayaanan la isku adeegsan wax xabad ah, laakiin wararku waxa ay sheegayaan in mastoolada la isku garaacay.

Dhacdadan ayaa muddo kooban hakisay shaqadii waaxda socdaalka ee garoonka.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Mr. Rooble ayaa faray wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.