Qareenada dowladda ayaa dalbaday in xabsi 30 sano ah lagu xukumo eedeysanaha booliska hore ah ee dilka u geystay ninka madowga ee lagu magacaabo George Floyd kaas oo uu surka uga istaagay bishii May ee sannadkii hore.

Derek Chauvin oo eedeysanaha lagu magacaabo ayaa xukunkan lala doonayo ee 30-ka sano ah u cuskaneysaa dowladda in uu awood saa`id ah u adeegsaday marxuumka dhintay isagoo adeegsanaya shaarka booliska.

25-ka bishan juun ayaa lagu wadaa in uu dhoco xukunka Derek, oo horay ay maxkamaddu ugu heshay masuuliyadda dilka George Floyd.

Ninkan ayaa la duubay xilli uu surka uga taagnaa Floyd muddo 9 daqiiqo ah, bishii May ee sano hore taas oo sababtay in uu naqaska ku xirmo, waxyar kadibna uu geeriyoodo.

Muuqaalkan la duubay ayaa sababay in dibedbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo booliska ay gil-gilaan Mareykanka.