Dowladda Fransiiska ayaa 220 milyan oo euro ku ganaaxday shirkadda internet-ka ee Google kadib markii lagu helay dambi ah in ay xiratay suuqa xayeysiiska.

Shirkadda Google ayaa lagu eedeeyay in xayeysiimaha ay siisay faracyadeeda kala ah AdX iyo Doubleclick Ad Exchange, kuwaax oo suuqa ka xiray shirkadaha kale ee xayeysiiska kula tartama ee dalkaasi Fransiiska.

Shirkadahan dacweeyay google-ka ayaa sheegay in ay ku khasbanaadeen in lacag dheeri ag ay wax uga xayeysiistaan google-ka maadaama suuqa iyagu xirteen.

Google ayaanan ka hor-imaan xukunkan, waxaana ay sheegeen in ay wax ka badeli doonaan hab-dhaqankooda xayeysiiska.

Kiiskan go`aankiisa maanta la gaaray islamarkaana lagu ganaaxay google-ka ayaa soo jiitamayay in muddo ah.