Home Wararka Maanta Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Ka Digay Dib-u-Dhac ku yimaada Doorashooyinka Dalka

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Ka Digay Dib-u-Dhac ku yimaada Doorashooyinka Dalka

0

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin suurtagalnimada dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka dalka, kuwaas oo la filayo inay qabsoomaan marka ay dhammaadaan muddo xileedyada hay’adaha federaalka.

Goluhu wuxuu xusay in sida ku cad Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Soomaaliya ee 2012, muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka uu ku eg yahay 14 Abriil 2026, halka muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku egyahay 15 May 2026, Sidaas darteed, goluhu wuxuu ku baaqay in doorashooyinka lagu qabto waqtigooda si loo ilaaliyo nidaamka dastuuriga ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Soomaaliya horey uga soo martay khilaafaad siyaasadeed oo ka dhashay dib-u-dhaca doorashooyinka, gaar ahaan wixii dhacay sanadkii 2021, markaas oo muran ka dhashay muddo kororsi uu sababay xiisado siyaasadeed iyo qalalaase amni.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ku booriyay madaxda dowladda federaalka, siyaasiyiinta iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta dib-u-dhac doorasho ama muran siyaasadeed, isla markaana ay ilaaliyaan dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.

Sidoo kale, goluhu wuxuu ugu baaqay dowlad-goboleedyada inay qabtaan doorashooyinkooda si waafaqsan dastuurka iyo nidaamka federaalka, si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo kalsoonida ka dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda.

Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay marayso marxalad xasaasi ah oo u baahan hoggaan masuuliyad leh, dulqaad siyaasadeed iyo ixtiraam sharci, si looga fogaado khilaafyo hor leh oo saameyn kara amniga, horumarka iyo mustaqbalka dalka.