Mid ka mid ah ciyaaryahannada kooxda Olombikada Uganda ayaa laga helay cudurka coronavirus kadib markii lagu marsiiyay kooxdaasi baaris garoonka diyaaradaha ee magaalada Tokyo ee dalkaasi Japan.

Kooxda inteeda kale ayaa la saaray bus oo loo sii gudbiyay dhankaas iyo magaalada Izumisano oo ay dagayaan.

Ruuxii cudurka laga helay ayaa lagula haray garoonka, mana cada halka loo qorsheeyay in la geeyo iyo in dalkiisa dib loogu celinayo.

Baaritaano dheeraad ah ayaa la sheegay inlagu sameyn dooni kooxda Uganda inta ay ku sugan yihiin magaalada Izumisano.

Kooxda Olombikada Uganda oo ka kooban 8 ruux ayaa isugu jira feeryahan, biro-qaade iyo dabaashe.

Magaalada Tokyo oo uu ka dhici doono tartanka Olombikada 23-Juulay ilaa 08 Agosto ayaa qorshuhu yahay in boqolkiiba 80 ka qeyb-galayaasha la tallaalo ka hor inta eysan ciyaartu furmin.

Kooxda Uganda ayaa ah kooxddii labaad ee u xaadirta dalka Japan ciyaaraha Olombikada, waxaana ka horreeyay kooxda dumarka Australia.