Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo gaaray dalka Turkiga oo maanta la filayo in looga...

Xasan Shiikh oo gaaray dalka Turkiga oo maanta la filayo in looga dhawaaqo natiijada sahankii Shidaalka

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda kulan muhiim ah la qaadan doona dhiggiisa dalkaasi Turkiga Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan.

Booqashadan uu madaxweyne Xasan uu ku tagay dalka ayaa ah mid taariikhiga ah oo daaran laba arrimood oo muhiim ah sida xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal iyo horumarinta dhaqaalaha.

Labada madaxweyne ayaa si gaar ah uga wadahadli doonaan xadgudubka Israa’iil kula kacday Qaranimada Soomaaliya iyo munaasabadda lagu soo bandhigayo natiijada ka soo baxday sahmintii Shidaalka Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, xili Soomaaliya ay ku jirto difaaca qaranimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed, waxaana xusid mudan in dowladda Turkigu ay tahay saaxiib muhiim ah oo gacan ka geysta amniga iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda iyo dhulka Soomaaliya.

Madaxda waxay sidoo kale qiimeyn doonan xaaladda guud ee gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo la filayo in heshiisyo cusub oo dhanka tamarta iyo shidaalka ah lagu dhawaaqo si loo xoojiyo horumarka mustaqbalka ee shacabka Soomaaliyeed.