Dowladda Mareykanka ayaa habeenkii xalay duqeymo ka fulisay goobo cayiman oo ku yaal waddamada Ciraaq iyo Suuriya kuwaas oo ay adeegsadaan kooxo hubeysan oo gacan ka hela Iran, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon.

Duqeymahan ayaya wasaaraddu sheegtay in uu amray madaxweyne Biden si loo difaaco danaha iyo ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalalkaasi, waxaana ay ka dhaceen xuduudaha labadaasi sal wadaagaan.

Goobaha la duqeeyay ayay Pentagoonku sheegtay in laga soo abaabuli jiray weerarada loo geysto ciidamada Mareykanka ee halkaasi ku sugan.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii diyaarad drone oo macmal ah lagu weeraray mid ka mid ah saldhigyada ciidamada Mareykanka taas oo aanan qeysan wax khasaare ah marka laga reebo hanti bur-burtay.

Sidoo kale goobaha la duqeeyay ayaa waxay ahaayeen keyd hub.

2500 oo askar Mareykan ah ayaa wali ku sugan Ciraaq, waxaana ay qeyb ka yihiin tiro ciidamo ah kuwaas oo loo reebay in ay la diriraan kooxaha argagixisada.

” – Mareykanku waxa uu fuliyay duqeymo cayiman oo bartilmaameedkooda gaaray, waxaa ay sidoo kale duqeymahani farriin u yihiin cidda taageerta kooxahan”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon.

Waxa uu Mareykana ku hanjabay in uu sii wadi doono weerarada bartilmaameedka u ah kooxaha argagixisada, ilaa laga ciribtirayo.