Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Telefishanka Sky News Arabia kaga hadlay aragtida Somaliland ee xaaladda gobolka, xidhiidhka caalamiga ah, iyo qadiyadda aqoonsiga, isaga oo si faahfaahsan u sharraxay mowqifka Somaliland ee arrimahaas muhiimka ah.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa ugu horreyn uga mahadnaqay dawladda Israa’iil go’aanka ay ku aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa xaqiiqda jirta ee Somaliland ka hana-qaadday tan iyo 1991-kii. Waxa uu sheegay in Somaliland muddo dheer ku guulaysatay hirgelinta nabad, dimuqraaddiyad iyo dawladnimo shaqaynaysa, isla markaana ay si madax-bannaan u maamusho arrimaheeda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aqoonsiga Somaliland aanu cidna dhibaato ku ahayn, isaga oo yidhi: “Somaliland waa dal madaxbannaan oo buuxiyey dhammaan shuruudaha dawladnimada. Waxa aanu leenahay ciidan dhisan, lacag, baasaboor iyo xuduudo cayiman. Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland cidna duullaan iyo dhibaato kuma hayo.”
Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay 17 May 2025 u dirtay 193 dal waraaqo rasmi ah oo ay ku codsanayso aqoonsi, isla markaana Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee ka jawaaba. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in uu rajaynayo in dalal kale oo badan ay dhawaan ku soo biiri doonaan, xataa kuwa hadda diidan aqoonsiga Somaliland.
Isaga oo ka hadlayay muddadii 35-ka sanno ee Somaliland ku jirtay bilaa aqoonsi caalami ah, Madaxweynaha ayaa sheegay in muddadaasi ay Somaliland ka faa’iidaysatay waayo-aragnimo qoto dheer, isku-tashi iyo adkaysi bulsho. “35ka sannadood oo bilaa aqoonsiga ah, dadkaygu waxay barteen in ay dhabar adaygaan, iyagu tashadaan, dalkooda iyo dadkoodana dhistaan.”
Madaxweyne Cirro ayaa waraysiga ku iftiimiyay doorka istaraatiijiyadeed ee Somaliland kaga jirto Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo marin-biyoodka Badda Cas. Waxa uu Somaliland ku tilmaamay bahwadaag lagu kalsoonaan karo oo beesha caalamku ka heli karto iskaashi waara oo ku salaysan nabad, xasillooni iyo dan wadaag.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in xidhiidhka Somaliland iyo shirkadda DP World ee la xidhiidha maalgashiga iyo casriyaynta dekedda Berbera uu weli yahay mid adag oo taagan, isaga oo meesha ka saaray warar sheegaya in xidhiidhkaasi xumaaday.
Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa beeniyay wararka sheegaya in dadka reer Qasa si qasab ah loogu rarayo Somaliland, isaga oo sheegay in warkaasi yihiin been-abuur aan sal iyo raad toona lahayn. “La nooma soo jeedin, lagama hadal, ma jirto, waa been la sameeyay,” ayuu yidhi.
Waxa uu intaa ku daray in dadka reer Qasa ay nabad la doonayaan, isla markaana ay taageersan yihiin qorshaha nabadda ee Madaxweyne Donald Trump u soo jeediyay Qasa.








