Home Wararka Caalamka Caalamka:- Spain oo Qaaday Talaabooyin lagu joojinayo Dagaalka Gaza

Caalamka:- Spain oo Qaaday Talaabooyin lagu joojinayo Dagaalka Gaza

0

Raiisel wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa Isniintii ku dhawaaqay sagaal tallaabo oo lagu joojinayo dagaalka Marinka Gaza.

Labo ka mid ah tallaabooyinkan ayaa ah cunaqabatayn dhammaystiran oo hubka ah iyo mamnuucidda maraakiibta sida shidaalka ciidanka Israa’iil inay isticmaalaan dekedaha Spain.

Tallaabooyinkan ayaa looga golleeyahay in lagu joojiyo xasuuqa ka socda Gaza, in lala xisaabtamo dembiilayaasha iyo in la taageero shacabka Falastiin, ayuu Sánchez ku sheegay khudbad uu telefishinka ka jeediyay Isniintii.