Home Wararka Caalamka Calaamka:- Shacab Careysan oo Xiray Shirkad ay Isreal ku leedahay Gudaha Ingariiska

Calaamka:- Shacab Careysan oo Xiray Shirkad ay Isreal ku leedahay Gudaha Ingariiska

0

Dadyow badan oo caalamka daafihiisa kunool oo isugu jira muslimiin iyo gaalo, ayaa si weyn uga xumaaday gumaadka Israa’iil ka wado magaalada Qasa, halkaas oo si gardarro ah loogu laayay kumanaan kun oo shacab ah una badan carruur iyo haween.

Shacab careysan oo u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa sabab u noqday in laxiro ayna shaqada joojiso  xarunta ay dalkaasi ku lahayd shirkadda lagu magacaabo Elbit Systems oo ah shirkad laga leeyahay Israa|l, oo ka shaqeysa soo saarista hubka .

Xarunta shirkdan oo kutaalla magaalada Bristol, ayaa dadka degan magaaladaasi oo ka xumaaday xasuuqa Israa’iil ka wado magaalada Qasa, waxa ay joogteeyeen in ay xiraan waddooyinka soo gala shirkadaasi, waxa ay sidoo kale dadkan burburiyeen qeybo kamid ah dhismaha shirkadan.

Dadka careysan ee sababta u noqday in la xirio shirkaddan Israa’iil laga leeyahay, ayaa qaarkood waxa ay fuuleen saqafka kore ee dhismaha shirkadan, iyaga oo diiday dadkaasi in ay halkaasi ka degaan,, taa oo ugu dambeyn qasabtay in gabi ahaanba ay shaqada joojiso shirkada