Home Wararka Maanta Ciidanka Galmudug oo Sarkaal ka tirsan Shabaab ku Wareejiyay Ciidanka NISA

Ciidanka Galmudug oo Sarkaal ka tirsan Shabaab ku Wareejiyay Ciidanka NISA

0

Ciidanka nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay sargaal sare oo katirsanaa kooxda Al Shabaab , kaa oo ciidamo katirsan booliiska maamulka Galmudug ku qabteen deegaanka Mareergur ee katirsan gobolka Galgaduud.

Sargaalkan loo gacangaliyay ciidanka NISA oo lagu magacaabo Idiris Maxamed Sh. Maxamed Nuur, ayaa kooxda Al Shabaab intii uu katirsanaa soo qabtay xilal kala duwan, waxa uuna kasoo shaqeeyay deegaanno iyo degmooyin kala duwan.

Sida aan xogta ku helnay sargaalkan katirsan Al Shabaab ayaa hadda kooxda Al Shabaab ugu magacawnaa dhinaca maaliyadda gaar ahaan xoolaha Sakawaadka ah ee laga aruuriyo dadka degan goobaha ay ka maamulaan gobolka Galgaduud.

Ninkan ayaa sidoo kale horey usoo noqday guddoomiyihii kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana lagu beddelay guddoomiyaha hadda Shabaab ugu magacaaban gobolkaasi Sheekh Yuusuf Kabakudukade.

Horjooge Idiris Maxamed Sheekh Nuur ayaa sidoo kale Al Shabaab usoo noqday guddoomiye degmooyin kala duwan oo gobolada dalka kuyaalla, waxa uuna ninkan sannado badan katirsanaa Al Shabaab, isaga oo kamid ahaa ragga sar sare ee kooxdaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali faah faahin badan ka bixin soo qabashada sargaalkan katirsanaa Al Shabaab oo hadda gacanta NISA ku jira, waxa ayna qabashada ninkan niyadjab xooggan ku tahay kooxda Al Shabaab uu muddo katirsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here