Home Wararka Caalamka Anas oo Mudo 40 Bilood Kadib Helay Go’an Diidmo iyo Mid Tarxiilid...

Anas oo Mudo 40 Bilood Kadib Helay Go’an Diidmo iyo Mid Tarxiilid Ah

0
Photo: Anders Wiklund/TT

Kadib ku dhawaad 40 bilood oo uu sugayay go’aan ku saabsan cusboonaysiinta deganaanshihiisa, Suuriyaan lagu magacaabo Anas Khalousi ayaa helay go’aan lagu diiday codsigiisii, laguna amray inuu ka baxo Sweden oo dib loogu celiyo Suuriya.

Hay’adda Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa go’aankeeda ku sababaysay in burburkii xukunkii Bashar al-Assad uu yahay “isbeddel weyn oo ku yimid duruufihii” uu Anas markii hore ku helay magangelyada.

Anas ayaa Sweden yimid dabayaaqadii 2019, isagoo markaas 27 jir ahaa, waxaana bilo kadib loo oggolaaday deganaansho ku-meel-gaar ah oo saddex sano ah. Sannadkii 2023 ayuu codsaday in loo kordhiyo deganaanshihiisa, isla markaana loo siiyo deganaansho rasmi ah.

Hadda oo uu 34 jir yahay, Anas wuxuu wajahaya go’aan masaafurin ah. Migrationsverket waxay qiimeysay in dhinicii uu Anas ka baqayay in uu cadaadis iyo dhibaato kala kulmo uusan hadda talada dalka haynin.

Sida xogta ku jirta akoonkiisa Migrationsverket ka muuqata, Anas wuxuu 29-kii May 2023 gudbiyay codsiyada kordhinta deganaanshaha magangelyada, deganaanshaha joogtada ah iyo dukumentiga safarka.

Anas wuxuu sheegay inuu muddo dhowr sano ah ka shaqaynayay nadaafadda (städare) ee Isbitaalka Centralsjukhuset ee Kristianstad, isla markaana uu buuxinayay shuruudaha shaqo ee looga baahan yahay deganaanshaha joogtada ah.

“Waxaan ka shaqeeyaa nadaafadda isbitaalka Centralsjukhuset ee Kristianstad tan iyo dhowr sano. Waxaan buuxinayay shuruudaha lagu heli karo deganaanshaha joogtada ah, oo ay ka mid tahay shaqo joogto ah. Laakiin nasiib darro, Migrationsverket waxay dib u dhigtay go’aanka, waxaana muddadaas dhowr jeer isbeddelay qofkii qaabilsanaa kiiskayga.”

Go’aanka cusub ayaa Anas geliyay xaalad adag, maadaama uu Sweden ku noolaa sanado badan, isla markaana uu noloshiisa iyo shaqadiisa halkaas ka dhistay.