Bas ay saarnaayeen ku dhowaad 30 qof ayaa ku rogmatay waddada qaranka ee 25-ka (riksväg 25), meel u dhow magaalada Växjö ee gobolka Kronoberg, Sweden.
Dad dhowr ah oo dhaawacmay ayaa ambalaas loogu qaaday isbitaalka. Sida laga soo xigtay Gobolka Kronoberg, waxaa la rumeysan yahay in 4 ilaa 6 qof ay qabaan dhaawacyo halis ah.
Wargeyska Smålandsposten ayaa sheegay in basku ku rogmaday waddada u dhaxaysa labada magaalo. Shaqaale ka tirsan xarunta gurmadka SOS Alarm ayaa sheegay in uu yahay “shil aad u daran.”
Afhayeenka booliiska, Filip Annas, ayaa sheegay in goobta ay joogaan ciidamo badan oo booliis ah, kooxaha samatabbixinta iyo ambalaasyo, isla markaana la hubinayo in dadka u baahan daryeel caafimaad ay helaan.
Maareeyaha gaadiidka Per Villander ayaa xaqiijiyay in basku ka tirsanaa shirkadda gaadiidka dadweynaha ee Länstrafiken Kronoberg, isagoo yiri: “Mid ka mid ah Basaskeena ayaa rogmaday. Waxaa jira dhaawacyo, qaarna waa kuwo halis ah. Waqtigan xaadirka ah wax intaas ka badan ma Sheegi karno.”






