Home Wararka Maanta Daawo:- Dibad-bax weyn oo manta ka dhacay Magaalada Muqdisho, Shacabka oo Fariin...

Daawo:- Dibad-bax weyn oo manta ka dhacay Magaalada Muqdisho, Shacabka oo Fariin diray

0

Dibad-bax ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa haatan ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Soomaaliya, waxaana ka qayb-galaya boqolaal dadweyne ah iyo shaqaalaha dowladda.

Banaan-baxan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa looga dhiidhinayaa weerarkii dadka badan lagu laayay ee Jimcihii kooxda Al-Shabaab ku qaaday xeebta Liido.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, xubno kamid ah maamulka gobolka Banaadir iyo shacab isaga kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa isugu tegay xeebta Liido oo ah halka uu ka dhacay xasuuqa lagu laayay dad badan oo aan waxbka galabsan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isku soo baxaan uu farriin u diray kooxda Khawaarijta oo uu ku eedeeyay inay usoo jeesatay beegsiga shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta shacabka halkan isugu yimid ee dhalinyarada u badan waxay muujineysaa oo ka tarjumeysaa farriina ay rabaan inay u diraan Khawaarij, farriinta ay u dirayaan waxay tahay inay u sheegaan dalkan iyo dadkan iyagu inay iska leeyihiin” ayuu yiri Yabooh.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa intaasi sii raaciya “Kooxa Khawaarijtu uma socon madax iyo ciidan ee waxa ay u bareereen leynta shacabka”.

Dhankiisa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Barre oo xeebta Liido kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay kacaan, kana dhiidhiyaan ficilada Al-Shabaa

“Haddii aan nahay mas’uuliyiinta Dowladda waxaan la dareen nahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya ficilada Khawaarijta” ayuu isna yiri wasiir Barre.

Daawo Dibad-bax

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here