Home Wararka Maanta Dagaal u Dhaxeeya Dowlada Somaliya iyo iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee...

Dagaal u Dhaxeeya Dowlada Somaliya iyo iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka Dhacay

0

Dagaal culus ayaa aroornimadii hore ee saakay ka billowday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay gudaha magaalada iyo hareeraheeda, iyadoo rasaas xooggan laga maqlayay qeybo kala duwan oo Baydhabo ah. Dagaalka ayaa saacado socday, waxaana uu saameeyay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada iyo fariisimo ay ciidamada dowladda ku sugnaayeen.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka ay kusoo qaadeen ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, iyadoo xaaladda magaalada ay saacado ahayd mid kacsan.

Dhinaca Maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii dambe sheegay in dagaalka lasoo afjaray, isla markaana laga adkaaday kooxihii ay ku tilmaameen “Khawaarij” ee weerarka kusoo qaaday magaalada Baydhabo

Maamulka waxay sidoo kale sheegeen in goor dhow shacabka loo soo bandhigi doono meydadka dadka lagu sheegay inay ka tirsanaayeen kooxihii weerarka qaaday.

Shacabka Baydhabo ayaa loogu baaqay inay isdejiyaan, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga ee ku howlan sugidda amniga iyo sifeynta haraadiga kooxihii weerarka soo qaaday.

Si kastaba, khasaaraha dhabta ah ee dagaalka iyo tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weli si madax-bannaan looma xaqiijin, iyadoo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka iyo xaaladda magaalada ay weli soo baxayaan.