Home Wararka Caalamka Donald Trump oo Mar Kale Weeraray Somalida ku Nool Dalka Mareykanka

Donald Trump oo Mar Kale Weeraray Somalida ku Nool Dalka Mareykanka

0
Carlos Barria/Pool Photo via AP)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo muran dhaliyey oo ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ku baahiyey bartiisa Truth Social, isaga oo Soomaalida ku eedeeyey inay si weyn ula wareegeen gobolka Minnesota, isla markaana inta badan ay ku tiirsan yihiin barnaamijyada kaalmada dowladda.

Trump ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Soomaalidu ay si buuxda ula wareegeen gobolka Minnesota oo uu ku tilmaamay inuu hore u ahaa gobol barwaaqo ah, isaga oo sidoo kale soo bandhigay tirooyin ku saabsan dadka Soomaaliyeed ee ka faa’iideysta kaalmooyinka dowladda, inkastoo uusan qoraalkiisa ku lifaaqin caddeyn muujinaysa sheegashadaas.

“Waa arrin cajiib ah in Soomaalidu ay awood u yeesheen inay si buuxda ula wareegaan gobolka Minnesota oo mar ahaan jiray gobol weyn. Iyaga ayaa leh oo gacanta ku haya, ku dhowaad 95% waxay ku tiirsan yihiin nooc ka mid ah kaalmada dowladda,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Hadalkan ayaa qeyb ka ah hadallo isdaba joog ah oo Trump uu muddooyinkii dambe ku bartilmaameedsanayey bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Minnesota, oo hoy u ah bulshada Soomaaliyeed ee ugu badan dalkaas.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale Jimcihii weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka lagana soo doorto gobolka Minnesota, isaga oo ku tilmaamay qof aan daacad ahayn, isla markaana su’aal geliyey xaqa ay u leedahay inay ka hadasho maamulka iyo siyaasadda Mareykanka.

Trump ayaa mar kale dib u soo celiyey eedeymo hore oo la xiriiray guurka Ilhaan Cumar, isaga oo ku celceliyey sheegashooyin muran dhaliyey oo ku saabsan nolosheeda gaarka ah.

Dhankeeda, Ilhaan Cumar ayaa hore si adag uga jawaabtay weerarrada Trump, iyadoo bishii Sebtembar 2025 ku tilmaantay madaxweynaha qof been badan, kaddib markii uu sheegay inuu madaxweynihii Soomaaliya kala hadlay arrin la xiriirtay masaafurinteeda Mareykanka.

Sida lagu sheegay xog laga soo xigtay Xafiiska Tirakoobka Mareykanka oo ay baahisay PBS News, waxaa dalka Mareykanka sannadkii 2024 ku noolaa ku dhowaad 260,000 oo qof oo asal ahaan Soomaali ah.

Gobolka Minnesota, gaar ahaan magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul, waxaa ku noolaa ku dhowaad 84,000 oo Soomaali ah, taas oo gobolka ka dhigaysa xarunta ugu weyn ee bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka.

Xogta la soo bandhigay ayaa sidoo kale muujinaysa in ku dhowaad 58% Soomaalida ku nool Minnesota ay ku dhasheen Mareykanka, halka 87% dadka gobolkaas ku nool ee Soomaaliya ku dhashay ay heleen dhalashada Mareykanka.

Tiradani waxay muujinaysaa in qayb weyn oo bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ka mid ahi ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah, isla markaana ay qeyb ka yihiin bulshada iyo dhaqaalaha dalkaas.

Hadallada cusub ee Trump ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo muranka siyaasadeed ee la xiriira socdaalka, qaxootiga iyo dadka asal ahaan ka soo jeeda dalalka kale ee ku nool Mareykanka.

Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa muddo dheer qeyb ka ahayd siyaasadda, ganacsiga, waxbarashada iyo nolosha bulshada gobolkaas, iyadoo Ilhaan Cumar ay ka mid tahay siyaasiyiinta ugu caansan ee asal ahaan Soomaali ah ee ka dhex muuqda siyaasadda Mareykanka.

Dhaleeceynta Trump ayaa sidoo kale dhalisay su’aalo la xiriira sida hadallada madaxweynaha Mareykanka ay u saameyn karaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan marka la eego xiriirka siyaasadeed ee kala dhexeeya maamulka Jamhuuriga iyo siyaasiyiinta asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay.

Inkasta oo Trump uu xaq u leeyahay inuu dhaliilo siyaasadaha iyo xaaladaha gobolka Minnesota, haddana sheegashooyinka tirada badan ee uu ka jeediyey Soomaalida iyo ku tiirsanaantooda kaalmada dowladda waxay u baahan yihiin caddeyn rasmi ah oo lagu xaqiijiyo.