Home Wararka Caalamka Maxkamad federaal ah oo soo Bandhigtay Baaritaanada Lagu Sameeyay Guriga Ilhan Omar

Maxkamad federaal ah oo soo Bandhigtay Baaritaanada Lagu Sameeyay Guriga Ilhan Omar

0
Maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada Washington ayaa Isniintii shaacisay dukumentiyo qayb ahaan la qariyey oo la xiriira waaran baaritaan oo bishii hore lagu fuliyey guriga xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, kana kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minnesota.

Dukumentiyada la shaaciyey oo ka kooban 169 bog ayaa si weyn loo madoobeeyey, si loo qariyo xog ka mid ah baaritaanka ay hay’adaha federaalka Mareykanku ku hayaan xildhibaanadda.

Qaar ka mid ah qoraallada maxkamadda ayaa muujinaya in baaritaanka lagu sameynayo Ilhaan Cumar uu la xiriiri karo eedeymo ku saabsan falal sharci-darro ah oo la tuhunsan yahay inay dhaceen muddo tobannaan sano ah, kuwaas oo la sheegay inay soo bilowdeen ka hor inta aysan noqon xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka.

Mid ka mid ah dukumentiyada ayaa lagu xusay in dowladda Mareykanku aaminsan tahay in Ilhaan Cumar ay gashay dambiyo aan la shaacin noocyadooda, kuwaas oo la sheegay inay socdeen muddo dheer. Hase yeeshee, qaybta qeexaysa nooca dambiyada ayaa laga qariyey dukumentiga la shaaciyey.

Qoraal kale oo ku jira gal-dacwadeedka ayaa tilmaamaya in xogta ku jirta waaranka baaritaanka iyo doodihii maxkamaddu aysan muujinayn in kiiska dowladda uu xiriir la leeyahay shaqada rasmiga ah ee Ilhaan Cumar ama waajibaadkeeda siyaasadeed.

Dhanka kale, xeer-ilaaliyeyaasha federaalka ayaa Isniintii maxkamadda ka codsaday waqti dheeraad ah oo ay ku soo gudbiyaan mowqifkooda ku saabsan shaacinta dukumenti kale oo gaar ah oo weli ku jira gacanta maxkamadda, kaas oo la xiriira isla baaritaanka.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii garsooraha sare ee maxkamadda degmada Mareykanka, James Boasberg, uu 17-kii bishan November amray in la shaaciyo dukumentiyada la xiriira waaranka baaritaanka, balse uu oggolaaday in 67 bog oo ka kooban warbixintii taageeraysay codsiga waaranka ay weli ahaadaan kuwo sir ah.

Ilhaan Cumar ayaa asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, waxayna qoyskeedu u qaxeen Mareykanka sannadihii 1990-meeyadii, xilli Soomaaliya ay ka jirtay dagaal sokeeye. Waxay siyaasadda ka bilowday gobolka Minnesota, halkaas oo sanadkii 2017 loogu doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka gobolka, ka hor inta aan 2019 loo dooran Aqalka Wakiillada Mareykanka.