Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo Faafaahin ka bixisay Hawlgalka Cusub ee Ciidanka Midowga Afrika

Dowlada Somaliya oo Faafaahin ka bixisay Hawlgalka Cusub ee Ciidanka Midowga Afrika

0

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu ku egyahay dhamaadka sanadkan isla markaana howlgalka cusub ee Midowga Afrika uu noqon doono mid waqti cayiman leh oo dowladdu go’aamineyso.

Xuseen Macalin oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmamay in haatan ay dalka ka baxeen sagaal kun askari oo qeyb ka ahayd howlgalka ATMIS, inta dhimana dhamaadka bisha December ay dalka ka bixi doonaan.

“Waqti dheer ayay ciidamada dalalka Midowga Afrika ka howlgalayeen dalka tan iyo 2007dii, Mission kii koowaad waxa uu ahaa AMISOM, waxaana uu ku ekaa 2022kii, waxaana ku xigay ATMIS oo hadda gabagaboobaya December 31” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Xuseen ayaa xusay in howgal ka cusub uu yahay mid waqti kooban ah, isla markaana muhiimaddiisu tahay sida ay dowladdu uga farxalan laheyd  al shabaab, qorshahaas oo 12-ka bishan loo gudbin doono golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si loo ansixiyo.

“Howlgalka Cusub ee AUSSOM waxa uu ku yimid codsi ay DFS gudbisay kadib bixintaanka ATMIS, Waxaana howlgalkaan uu taagero muddo kooban sinayaa Ciidanka Qaranka, tirada ciidanka howlgalkaana waa mid kooban.” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Mar uu ka hadlayay waxa uu kaga duwan yahay howlgalkii hore ayuu yiri “Wuxuu uga duwan yahay howlgakan kii hore, waxaa ka wada howgallaya labada ciidan si wadajir ah. Xirfadda iyo agabka ay heystaan lagu sii tababaro ciidanka Xoogga, si kala wareegga u fududaado marka aan ka maarano”.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa tilmaamay in howlgalkan cidda ka qeyb-galeysa ay u madax banaantahay dowladda Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in marka heshiiskan cusub la soo ansixiyo, ay heshiisyo gaar gaar ah dowlada la gali doonto dowladaha howlgalkan ka qeyb-qaadan doona.

“Dowladaha Masar iyo Jabuuti oo fadhiyay shirka Midowga Afrika ee lagu ansixiyay howlgalkan cusub ayaa sheegay inay daneynayaan inay howlgalkan qeyb wayn ka qaataan, waxaana jira kuwa badan oo iyana daneynaya waxaana go’aan laga gaari doonaa marka Golaha Ammaanka ansixiyo heshiiska”.ayuu Xuseen Macalin hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here